fredag, april 19, 2024

Oslo: Wiilal soomaali ah oo xalay qof mindi ku dhaawacay

Booliska Oslo ayaa sheegay inay labo qof usoo qabteen fal dhaawac xaley nin sodomeeyo jir ah loogu geystay Oslo, kaas oo loo adeegsaday mindi. Iyaga oo sidoo kale raaciyay inay ku raad-joogaan ugu yaraan sadex qof oo kale oo falkan lug ku leh.

Ninka dhaawaca loo geystay ayaa sida ay boolisku sheegeen waxaa la jirdilay, iyada oo sidoo kale gacanta mindi looga dhaawacay. Waxeyna boolisku sheegeen in agagaarka goobta uu falkan ka dhacay ay kasoo heleen mindida falkan loo adeegsaday.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in dad goobjoogayaal ah ay arkeen ilaa shan qof oo kasii ordeyso goobta uu falka ka dhacay, iyaga oo gadaal kasoo qabtay labo kamid shantaas wiil. Halka ay wali ku raadjoogaan sadexda kale.

Sida ay qorayaan qeybo badan oo kamid ah warbaahinta Oslo oo soo xiganayo booliska, wiilasha shanta ah ee falkan ka danbeeyay ayaa ah soomaali. Booliska ayaa sidoo kale sheegay in aaga uu falkan ka dhacay ay ku xirnaayeen kaamirooyinka wax duubo, kuwaas oo sahlay in lasoo qabto labada wiil ee kamid ah dadka falkan geystay.

Falkii labaad isbuuc gudihiis:

Talaadadii lasoo dhaafay ayaa sidoo kale labo wiil oo soomaali ah wiil kale oo dhalinyaro ay mindi ku galiyeen xaafada Grønland ee Oslo. Wiilashaas oo markii danbe ay boolisku ku eedeeyeen fal isku day dil ah.

Xigasho/kilde: TV2, NTB

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x