Oslo: Qof ku dhintay iyo labo ku dhaawacantahay koronto ka kacday «Tunnel»

0
90

Wiil dhalinyaro ah ayaa ku dhintay, halka labo dhalinyaro ah oo kalena ay si xun ugu dhaawacmeen koronto ka kacday «Tunnel» ay baabuurtu maraan oo kuyaal Oslo. Xaalada wiilka iyo gabadha ku dhaawacmay ayaa ah mid wali aan la ogaan karin waxa ay ku dhamaan doonto, sida ay boolisku sheegeen.

Falkan ayaa ka dhacay «Tunnelka» Filipstad oo kuyaal galbeedka magaaladan Oslo. Sadexda qof ee falkan ku waxyeeloobay ayay boolisku sheegeen inay la kulmeen agabka korontada jiida, ayna qabsatay koronto.

Booliska ayaan wali bixin faah-faahin dheeri ah oo ku saabsan falkan iyo sida uu u dhacay, iyo waxa ka dhaliyay kicitaanka korontada.

Xigasho/kilde: TV2.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments