Oslo: Qof caawa lagu tooriyeeyay Grønland iyo 2 qof oo loo qabtay.

0
169

Waxaa caawa fiidkii hore xaafada Grønland ee soomaalidu ay ku badantahay magaalada Oslo lagu tooriyeeyay nin, iyada oo falkaas ay boolisku usoo qabteen 2 wiil oo dhalinyaro ah. Halka mid sadexaadna ay boolisku sheegeen inay wali ku raad-joogaan.

Falkan ayaa ka dhacay wadada Motzfeldts Gate, dhabarka danbe ee dukaanka Kiwi ee xaafada Grønland. Booliska ayaa xiray labada dhinac ee wadadaas oo ay ku yaalaan dukaamo dhowr ah oo ay soomaali leedahay.

Qofka dhaawaca loo geystay ayay boolisku sheegeen inuu soo gaaray dhaawac culus, hadana lagula tacaalayo isbitaalka Ullevål. Waxaana ay dhaawacyo kasoo gaareen madaxa iyo xabadka.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in labada qof oo ay falkan usoo qabteen ay ka hooseeyaan 20 sano, ayna yihiin dad ay horey boolisku u yaqaaneen.

Wixii arintan kusoo kororta dib ayaan kasoo galin doonaa.

Xigasho/kilde: VG, NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments