Oslo: Nin 30-jir ah oo ay boolisku usoo qabteen dilka hooyadii.

0
130

Booliska Oslo ayaa nin 30-sano jir ah usoo qabtay, kuna eedeeyay inuu ka danbeeyay dilka hooyadii, kadib markii meydka hooyada ay boolisku saaka waaberigii ka qaadeen guri kuyaal xaafada Ellingsrud ee Oslo.

Booliska ayaa sheegay in ninka ay qabteen uu lasoo xiriiray booliska, kuna wargaliyay dhacdadan. Waxeyna raaciyeen in guriga ay uga tageen ninka iyo hooyadii oo dhaawac daran uu kuyaal. Saacad kadib ayay xaqiijiyeen in haweeneydan ay ku geeriyootay isla goobta.

Qofka la qabtay iyo hooyada geeriyootay ayaa labuduba heysta dhalashada dalkan Norway, sida ay boolisku xaqiijiyeen. Waxeyna boolisku sheegeen in ninka ay falkan usoo qabteen uu yahay mid ku cusub oo aysan horan xiriir u yeelan, balse ay wareysan doonaan.

Booliska ayaa raaciyay ineysan wax faah-faahin ah ka bixin karin dhacdadan, maadaama uu wali socdo baaritaanka kiiska. Iyaga oo raaciyay in wali aysan cadeyn sababta ka danbeysa geerida haweeneydan geeriyootay iyo waxa ku qasbay ninkan uu falkaas geysto.

Xigasho/kilde: VG.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments