Oslo: Haweenay gabar soomaali ah weerartay oo maxkamad lasoo taagi doono

0
125
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Haweenay sodomeeyo jir ah ayay booliska Oslo kusoo oogeen dacwad la xiriirta naceyb, kadib markii ay aflagaado naceyb jinsi ah la xiriirta u geysatay gabar soomaali ah. Iyada oo isla markaana isku deyday inay si xoog ah uga siibto xijaab ay wadatay, sida uu qoray wargeyska ABC-nyheter.

Gabadha soomaalida ah ee la weeraray ayaa wargeyska u sheegtay in haweeneydan ay qabsatay xijaabkeeda dhowr mar, ayna isku dayday inay ka siibto. Waxeyna xiligaas haweeneyda eedeysanaha ah ay ku qeylinaysay ereyo isir naceyb ah oo ka dhan gabadha soomaalida ah ee dhibanaha ah.

Falkan ayaa ka dhacay xaafada Tøyen ee magaalada Oslo, dhamaadka bishii September ee sanadkii tagay.

Haweeneydan falkan geysatay ayaa hada boolisku kusoo eedeeyeen dacwad, waxaana lasoo taagi doonaa maxkamad.

Xigasho/kilde: ABC-nyheter(Halkan kasii akhri warkan).

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments