Norway: Waxaan rabnaa inaan ka hortagno caruurta wadanka dibadiisa looga soo tagayo

0
75
Wasiirka cadaalada Norway: Tor M. Wara Foto: First House

Dowlada Norway ayaa maanta war ay soo saartay ku sheegtay inay sameysay gudi khubaro ah oo ka talo bixin doono qaabka loo joojin karo caruurta Norway la wadayo, iyaga oo aan rabina loogana soo tagayo wadamada dibadda ah.

Gudigan lagu sheegay khubarada ayaa la sheegay inay baari doonaan 10 kiis oo ilmo wadanka dibadiisa looga soo tagay ah, ayna kasoo dhex saari doonaan sababaha keenay in caruurtaas laga soo tago iyo dhacdooyinka la xiriira.

Wasiirka caafimaadka Norway ayaa sheegay in dowladu ay ogtahay caruur wadanka dibadiisa looga soo tagay, kuwaas oo la geeyay xarumo ay kala kulmeen jirdil iyo jabin xuquuqda bini-aadanka ah. Sidaas darteed ay dowladu kordhineyso dadaalka looga hortagayo in caruur kale ay la kulmaan xaalad noocan oo kale ah.

Daraad ay sameysay hey´adda Fafo ayaa lagu ogaaday in 40% caruurta soomaalida ah ee Norway kunool loo celiyay wadanka dibadiisa. Sanadkii tagay iyo kii sii horeeyayba warbaahinta Norway ayaa aad u hadalhayay sheekooyinka caruur soomaali ah oo Norway laga celiyay, kuwaas oo sheegay inay lasoo kulmeen jirdil jir ahaaneed iyo mid nafsi ahba.

Gudigan ay dowladu ku sheegtay khubarada ayaa talo ka bixin doono qaabka arintaas looga hortagi karo. Gudigan ayaa u badan dad cadaan ah, waxaana magacyadooda ka dhex muuqdo magac hal qof oo soomaali oo qur ah. Inkasta oo kiisaska ugu badan ee warbaahinta looga hadlayay khuseeyaan qoysas soomaali ah.

Wasiirka cadaalada Norway ayaa dhankiisa sheegay inuu qiimeyn doono soo rogida qodobo dhowr ah oo arintan looga hortagi karo. Ayna kamid tahay sameynta xeerar ciqaabeed arintan looga hortagayo.

Xigasho/kilde: Nettavisen/regjerinhgen

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments