Norway oo ugu danbeyn «Persona non grata» ku iclaamisay Qunsul katirsan safaarada Poland

0
118
Foto: KKN kristen Koalisjon Norge

Wasaarada arimaha dibada dalkan Norway ayaa ugu danbeyn sheegtay in qunsul u dhashay dalka Poland kana tirsan safaarada dalkaas ee Norway, uu yahay mid aan laga rabin, kana shaqeyn karin Norway.

Arintan ayaa timid kadib markii ay Norway horey Poland uga dalbatay in qunsulkaas uu ka baxo dalkeeda, arintaas oo ay ka biyo diiday wasaarada arimaha dibada Poland.

Qunsulkan oo safaarada u qaabilsanaa caawinta qoysaska u dhashay Poland ee kiisaska ay KAsoo galaan hey´adda xanaanada caruurta norway, ayaa waxaa kasoo dacwooday shaqaalaha hey´adda barnevernka. Kuwaas oo ku eedeeyay inay ka qabsan waayeen shaqadooda caadiga ah, uuna qash-qashaad galiyay shaqada hey´addaas ee kala dhaxeyso qoysaska.

Sidoo kale qunsulkan ayaa lagu eedeeyay amar diido uu ku sameeyay booliska iyo hey´adda barnevernka, waxeyna wasaarada arimaha dibadda Norway dalka Poland ka codsatay inay safiirkaas ka ceshadaan Norway, kahor inta aysan ku iclaamin Persona Non grata. Wasaarada arimaha dibadda Poland ayaa dalabkaas Norway ka horjeesatay, sheegteyna inaysan jirin sabab qunsulkaas loogu Yeero.

Norway ayaa ugu danbeyn maanta soo saartay in qunsulkaas uu yahay mid aan laga rabin Norway, oo luuqada diblomaasiyada ka dhigan inuusan ka shaqeyn karin Norway qunsul ahaan, uuna luminayo difaaca diblomaasinida.

Xigasho/kilde: ABC-NYHETER

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments