Norway: Dowlada oo rabta in soo galootiga ceyrta qaata lagu xiro shardi barashada luuqada ah

0
220
Anniken Hauglie: Wasiirada shaqada iyo arimaha bulshada

Wasiirada shaqada Norway, Anniken Hauglie ayaa sheegtay in dowladeedu ay rabto in dhamaan soo galootiga qaato lacagta ceyrta ah lagu xiro shardi ah barashada luuqada Norwiijiga. Hadalkan ayaa yimid kadib markii maalmo kahor ay soo baxday warbixin sheegeysa in 56% dadka qaata lacagta ceyrta ah ay yihiin dadka soo galootiga ah.

Wasiirada ayaa sheegtay inay ka wal-wal qabto in dad badan oo soo galooti ah ay banaanka ka joogaan suuqa shaqada mudo badan, ayna noqdaan ceyr-qaatayaal aan isbadal sameyn. Taasina ay dhibaato u tahay qofka shaqsiga ah iyo guud ahaan bulshada.

Anniken Hauglie ayaa sidoo kale raacisay in soo galooti badan ay suuqa shaqada banaanka ka joogaan sababa la xiriira aqoontooda xaga luuqada Norwiijiga. Ayna ka cabsi qabto in soo galootigu ay noqdaan dabaqad hoose oo bulshada kamid ah, sidaas darteed ay rabto in lagu xiro shardi barashada luuqada Norwiijiga ah, hadii ay qaataan lacagta ceyrta.

Waxeyna sidoo kale sheegtay in dowladeedu ay rabto in howl maalmeed loo sameeyo dadka da´doodu ay ka weyntahay 30-ka sano ee lacagta ceyrta ah qaata.

Xigasho/kilde: VG.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments