Mohamed Abdi: Qofkii ugu horeeyay ee ajnabi ah ee musharax gole deegaan ka noqdo Alta

0
135

Waxaa dhawaan soo baxay liiska musharaxiinta golaha deegaanka ee xisbiga SV sanadkan uga tartami doono magaalada Alta ee woqooyiga dalkan Norway. Waxaana liiskaas kasoo dhex muuqday Mohamed Abdi oo noqon doono qofkii ugu horeeyay ee ajnabi ah ee kamid noqdo musharaxiinta golaha deegaanka magaaladaas.

Mohamed Abdi oo hada u shaqeeyo xafiiska maamulka degmada Alta ayaa kasoo muuqday liiska uu xisbiga SV sanadkan u diyaariyay inay uga mid noqdaan golaha deegaanka, doorashada dhici doonto bisha September ee sanadkan 2019. Wuxuuna horey xilal kala duwan uga soo qabtay ururada ay ku mideysanyihiin shaqaalaha ka shaqeeyo deegaankaas.

Magaalada Alta ayaa kutaal gobalka Finnmark ee woqooyiga dalkan Norway, waxaana magaalada degan bulsho lagu qiyaasay ilaa 20.000. Waxaana 4% dadka magaalada degan ay yihiin ajaaniib ay ugu muuqdaan soomaalida.

Doorashada golayaasha deegaanka ayaa sanadkan waxaa ka dhex muuqdo dhalinyaro badan oo soomaali ah, kuwaas oo u badan kuwo ku cusub saaxada siyaasada.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments