Facebook: Hada wixii ka danbeeyo, waad tir-tiri kartaa fariinta aad saaxiibkaa u dirtay

0
96

Wali makugu dhacday inaad fariin qaldan u dirto qof aad Facebooga saaxiibo ku tihiin, mana rabtay inaad ka noqoto oo suurtogal makuu noqon weyday?.

Facebook ayaa hada wixii ka danbeeyo dadka adeegsada app-ka Massengerka siin doono 10 daqiiqo oo ay kaga noqdaan fariinta ay u direen qof , iyaga oo dooran kara inay tirtiraan fariintaas kahor inta uusan qofkaas furin ama arkin.

Shirkada Faceboog ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in dhaqangalka arintaas ay ka bilaaban doonto maanta, ayna khuseyn doonto dadka barta fariimaha Facebooka ka dira app-ka Massengerka. Waxaadna fariinta tir-tiri kartaa ugu badnaan 10 daqiiqo marka aad dirtay kadib.

Faceboog ayaa balan qaaday in hadii qofku uu doorto inuu ka noqdo fariinta aad ku dirtay barta Massengerka, fariintaas gabi ahaanba laga tir-tiri serverka xogkeydinta Facebooga.

Xigasho/kilde: CNBC

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments