Ethiopian Airlines oo kor u qaaday tirada duulimaadyada Oslo-Muqdisho

0
277

Diyaarada Ethiopian Airlines oo ah mudo labo bilood kahor ah bilowday inay duulimaad toos ah ku tagto magaalada Muqdisho ayaa kor u qaaday tirada duulimaadyada ay ku tagto Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kadib baahi dheeri ah oo ka timid macaamiisha shirkada.

Waxeyna taas mar kale fursad kale oo dheeri ah siineysaa soomaalida kunool qurbaha ee rabta inay dalkoodii soo booqdaan.

Ethopian Airlines, xafiiskeeda Oslo ayaa bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan Norway mar kale ogeysiinaya in isbuuc walba lix dheer ay duulimaad ku tagaan magaalada Muqdisho. Saacadaha sugitaanka kala badalka diyaaradaha Oslo to Adiss Ababa, iyo Adiss ababa to Muqdisho ayaa ah kuwo kooban. Wuxuuna qofku galabta uu Oslo kabaxo subaxeeda ka quraacan doonaa Muqdisho, maadaama xiliga duulimaadku uu yahay habeen.

Diyaarada Ethiopian oo ah diyaarada kali ah ee Afrikan ee ka baxda Oslo, duulimaadna ku tagto qaarada Afrika ayaa mar kale macaamiisheeda kusoo dhaweneyso gacmo furan.

Wixii faah-faahin ah kala xiriir xafiiska diyaarada ee Oslo:

Tlf: 22064401

Adress: Øvre Slottsgate 6, 0157 Oslo

ama Booqo webka shirkada ee: Ethiopianarlines.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments