Erna Solberg oo codad raadis oo Ethiopia ku sugan.

0
94
Foto: CF Wesenberg

Reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg ayaa jimcihii shaley ahaa u safartay dalka Ethiopia, halkaas oo uu ka dhici doono shirka madaxda dalalka Afrika. Waxaana shirka kasoo qeybgalay madaxweynayaal uu kamid yahay madaxweyna Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo.

Madaxda dalalka Afrika ayaa ka hadli doono hanaanka lagu gaari karo goolasha ururada Qaramada Midoobay ee UN-ka, Waxaana qodobada xooga lagu saari doono kamid ah arimaha caafimaadka iyo qoxootiga oo Soomaaliya saameyn gaar ah ku leh.

Reysulwasaaraha Norway ayaa sidoo kale kulankaas u aaday u jeedo gaar ah iyo inay codad ka hesho wadamada Afrika, xili ay Norway dadaal ugu jirto kamid noqoshada golaha shanta xubnood ee aan joogtada aheyn ee Qaramada Midoobay.

Solberg ayaa sheegtay inay jiraan wadamo Afrikan oo Norway uu xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo, ayna rabto in fursadan ay uga faa´iideysato ka dhaadhicinta taageerida Norway ee helista kursigaas.

Norway ayaa tartan adag kala kulmeyso wadamada Ireland iyo Canada, kuwaas oo labaduba tartan ugu jiro inay kamid noqdaan shanta xubnood ee aan joogtada aheyn ee ururweynaha Qaramada Midoobay.

Sidoo kale wasiirka cadaalada Norway, Tor Mikkel Wara oo kamid ah wafdiga Solberg ee Addiss ababa ayaa maanta warbaahinta u xaqiijiyay in Norway ay heshiis dib u celin ah la saxiixatay dalka Ethiopia. Heshiiskaas oo sahli doono in Norway ay dalkoodii dib ugu celiso ilaa 230 qof oo qoxooti u dhashay dalkaas oo Norway ku sugan, kuwaas oo diidmo ka helay sharciga magangalyada. Halkan kasii akhri warkaas.

Xigasho/kilde: Klartale.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments