Carl I. Hagen: Waxaan diyaar u ahay inaan booska Keshvari buuxiyo

0
81
Foto: Frp.no Carl I. Hagen

Mezyar Keshvari oo horey u ahaan afhayeenka arimaha soo galootiga xisbiga Frp, ahna xubin katirsan baarlamaanka Norway ayaa maalmo kahor ay boolisku xabsiga dhigeen. Waxaana lagu eedeeyay dacwad danbiyeed la xiriirto hanjabaad culus, taas oo hadii lagu helo uu ku muteysan karo ciqaab xabsiyeed gaari kara ilaa sadex sano.

Dacwadan ayaa noqoneyso tii labaad ee siyaasigan asal ahaan Iiraan kasoo jeedo waajihi doono. Waxaa horey ugu socotay baaritaanka dacwad la xiriirta wax isdaba marin dhaqaale, isaga oo baarlamaanka Norway ka wado aan sharci aheyn uga qaatay lacag gaareeyso ilaa 300.000 Nok, sida uu soo bandhigay wargeyska Aftenposten.

Carl I hagen: Diyaar ayaan u ahay inaan booskiisa la wareego

Keshvari oo awalba baarlamaanka ku fadhiyay kursiga wasiirada maaliyada Norway ay baneysay, kadib markii xilka wasiirnimo loo magacaabay ayaa hada shaqada baarlamaanka ka qaatay fasax caafimaad. Iyada oo aan la sheegin mudada uu maqnaan doono. Sharciga Norway ayaa dhigaya in qofku uusan isku noqon karin wasiir iyo xildhibaan, sidaas darteed waxa uu Keshvari ku fadhiyay kursiga Siv Jensen.

Gudoomiyihii hore ee xisbiga Frp, ahna hogaamiyaha ruuxiga ah ee xisbigaas, Carl I. Hagen ayaa warbaahinta u sheegay inuu diyaar u yahay. Carl I. Hagen ayaa ah qofka labaad ee ku xigeenka u ah Siv Jensen, isaga oo sheegay in hadii uu Keshvari ku maqanyahay fasax caafimaad, uu isagu fadhiisan doono kursigaas.

Dhanka kale gudoomiyaha xubnaha baarlamaanka ee xisbiga Frp ayaa dacwada Keshvari ku tilmaamay mid halis ah, isaga oo raaciyay in xaalada Keshvari ee bilihii lasoo dhaafay ay aheyd mid culus.

Xigasho/kilde: NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments