Carl I. Hagen oo la wareegay kursiga xildhibaanimo ee Keshvari

0
103
Foto: Frp.no Carl I. Hagen

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay kalfadhigii maanta ee baarlamaanka Norway, Mezyar Keshvari oo ahaa xubin xisbiga Frp ku matala baarlamaanka Norway, ayaa qaatay fasax caafimaad. Waxaana booskiisa buuxiyay Gudoomiyihii hore ee Frp, Carl I. Hagen.

Foto: Stillebilde/Youtube

Keshvari oo markii horeba boos xajiye(ku xigeen xubin baarlamaan) u ahaa wasiirada maaliyada, Siv Jensen ayaa qaatay fasax caafimaad, kadib markii maalmo kahor la dhigay xabsiga, ayna boolisku ku eedeeyey danbi la xiriira hajnabaad culus. Booliska ayaa sidoo kale guriga siyaasigan asal ahaan kasoo jeedo reer Iiraan ka helay hub, sida ay warbaahinta u sheegeen.

Lama sheegin mudada uu Carl I. Hagen kusii fadhin doono kursiga baarlamaanka ee kala wareegay Keshvari.

Sidoo kale waxaa Keshvari horey ugu socotay baarista danbi la xiriira khiyaano iyo wax isdaba marin dhaqaale, kadib markii wargeyska Aftenposten uu soo bandhigay in Keshvari uu baarlamaanka ka qaatay ilaa 300.000 Nok oo uusan xaq u laheyn.

Waxaa muuqdo in mustaqbalka siyaasadeed ee Keshvari uu ku dhacay god dheer oo mugdi ah, ayna u badantahay in waayihiisa siyaasadeed ee xisbiga Frp uu halkaas ku xirmo.

Xigasho/kilde: NTB

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments