Booliska: Xiliga barafka, Arintan waxaad ku lumin kartaan leysinka baabuur wadista.

0
119

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa qeybo badan oo Norway iyo guud ahaan Woqooyiga Yurub kamid ah ka da´ayay baraf xoogan, waxaana wadooyinka la maro, guryaha korkooda iyo baabuurta jidadka yaalaba buux dhaafsay baraf dhowr sentimitir gaaraya.

Booliska ayaa dadka baabuurta adeegsada ugu baaqaya inay si fiican baabuurka korkiisa iyo qeybta horeba uga xaaqaan barafka, kahor inta aysan baabuurka wadada soo galin. Iyaga oo dadka uga digaya inaysan ku ekaan oo kali inay xaaqaan daaqadaha iyo muraayadaha danbe ee baabuurka, balse ay dhamaan barafka baabuurka korkiisa saaraan xaaqaan, si baabuurleyda kale aysan dhibaato uga soo gaarin.

Waxeyna raaciyeen in ay boolisku istaajiyaan isaga oo barafka aan si fiican baabuurka uu la kulmi karo ganaax lacageed, ayna xitaa dhici karto in leysinka baabuur wadista qofka laga xayuubiyo.

Booliska ayaa sheegay in maadaama dadku ay deg-degsanyihiin xiliga ay guriga kasoo baxayaan aysan waqti u helin xaaqista dhamaan barafka saaran qeybaha baabuurka, iyaga oo sheegay in arintaas ay ka dhalan karto dhibaato uu barafkaas gaarsiiyo baabuurta kale ee wadada mareysa.

Xigasho/kilde: NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments