Booliska oo guriga Keshvari «hub» ka helay

0
176
Foto: Stillebilde/Youtube

Booliska ayaa maalin kahor xabsiga dhigay Mezyar Keshvari oo ah xubin katirsan baarlamaanka Norway, kana mid ah xisbiga Frp.

Keshvari oo axadii xabsiga laga sii daayay ayay boolisku kusoo oogeen dacwad la xiriirta hanjabaad culus, wuxuu noqon doonaa maxkamad suge inta baaritaanka kiiskiisa ay boolisku dhameynayaan.

Sida ay sheegeen booliska, waxaa guriga Keshvari laga helay hub, balse boolisku ma aysan sheegin nooca hubka ay heleen. Iyaga oo sidoo kale cadeeyay in hubkaas uu qeyb ka ahaa falka hanjabaada ah.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in Keshvari iyo qofka haweeneyda ah ee uu u hanjabay uu ka dhaxeeyay xiriir aysan sheegin nooca uu yahay. Iyaga oo raaciyay in Keshvari la saaray mamnuucis la xiriirta booqashada qofkaas haweeneyda ah.

Dacwada danbiga hanjabaada culus ah ee Keshvari lagu soo eedeeyay, ayaa hadii lagu helo uu ku muteysan karaa xabso gaari kara ilaa 3 sano.

Dacwadii labaad oo culus:

Keshvari oo horey ugu eedeysnaa danbi la xiriira khiyaano iyo wax is daba marin dhaqaale. Isaga lacago uusan xaq u laheyn ka qaadan jiray baarlamaanka.

Danbigan cusub ee lagu soo oogay ayaa noqon doono kiisii labaad ee uu Keshvari la kulmo bilo gudahood.

Xigasho/kilde: Dagsavisen.no 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments