Bergen: Soomaalida Bergen oo markii ugu horeysay heshay musharaxiin gole deegaan.

0
111
Ap, Bergen.

Xisbiga shaqaalaha(Ap), laantiisa magaalada Bergen ayaa dhawaan soo saaray liiska musharaxiinta doorashada golaha deegaanka uga tartami doono doorashada soo socoto ee sanadkan. Waxaana liiskaas markii ugu horeysay kasoo dhexmuuqday labo qof oo soomaali ah.

Cabdulaahi Cilmi Ibrahim iyo Aamina Amiin oo labuduba soomaali ah ayaa sanadkan kamid ah musharaxiinta dagaalka u gali doono kamid noqoshada golaha deegaanka magaalada Bergen oo kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn dalkan Norway.

Aamina iyo Cabdulaahi ayaa noqon doono soomaalidii ugu horeysay ee abid tartan u gala kamid noqoshada golaha deegaanka magaalada. Cabdulaahi ayaa kujiro booska 13-aad, halka Aaminana ay kujirto booska 21-aad.

Jaaliyada soomaaliyeed ee Bergen ayaa kamid ah jaaliyadaha ugu balaaran ee wadanka, waxaana qiyaas ahaan Bergen kunool soomaali gaareyso ilaa 3000 qof.

Xigasho/kilde: AP.NO/Bergen

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments