Bergen: Haweenay Sumaya Jirde Facebook ku aflagaadeysay oo maxkamad lasoo taagay

0
171
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Haweenay 71 sano jir ah oo horey ereyo aflagaado ay ku dheehantahay naceyb Facebooga ugu qortay Sumaya Jirde ayaa shaley maxkamad lagu soo taagay magaalada Bergen. Haweenaydan mudan karto xabsi, hadii lagu helo danbiga lagu soo eedeeyay.

Haweeneydan ayaa qiratay qoritaanka ereyada ay Sumaya ku aflagaadeysay, balse waxey iska fogeysay danbiga lagu soo eedeeyay. Iyada oo sheegtay inay xanaaqsaneyd xiliga ay Facebooga ku qoreysay, aysana ujeedo gaar ah ka laheyn ereyada ay Facebooga ku qortay. Waxeyna raacisay inay ka xuntahay, raali galina ka bixineyso ereyadaas ay Facebooga ku qortay.

71-jirkan ayaa sidoo kale sheegtay inay ka xanaaqsaneyd in Sumaya Jirde oo ah gabar dhalinyaro Aktivist soomaali ah ay wax ka sheegtay Sylvi Listhaug, wasiiradii hore ee soo galootiga Norway.

Xeer ilaaliyaha dacwad kusoo oogaya haweeneydan ayaa sheegay in qoraalka haweeneydan ay u muuqato inuu ahaa mid Sumaya lagu beegsanayo midabkeeda, lagana dheehan karay jinsi naceyb. Wuxuuna codsaday in haweeneydan lagu xukumo 14 maalmood oo xabsi ah.

Xukunkan dacwadan ayaa soo bixi doono isbuuc kadib.

Xigasho/kilde: B.T

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments