Axmed C. Cawad: Sweden waa inay aqoonsataa waraaqaha D.F.S ay bixiso

0
182
Wasiirada arimaha dibadda Soomaaliya iyo Sweden.

Wasiirka arimaha dibadda dalka Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa maalmo kahor booqasho rasmi ah ku yimid dalka Sweden, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhigiisa dalka Sweden, Margot Wallström. Cawad ayaa sidoo kale la kulmay ururo soomaali ah iyo hey´addo kala duwan.

Waxyaabaha uu wasiir Cawad kala hadlay Wallström ayaa sida ay qortay Sveriges Radio, waxaa ka mid ahaa in Sweden ay aqoonsato documentiyada iyo waraaqaha ay bixiso dowlada Soomaaliya, kuwaas oo ilaa sanadkii 1991 Sweden aan laga aqoonsaneyn.

Aqoonsi la´aanta waraaqaha ay dowlada Soomaaliya bixiso ayaa waxa dhibaato weyn ku qabay bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Sweden.

Wasiirka oo wareysi siiyay idaacada laanta afka soomaaliga ee RadioSverige ayaa sheegay in wasiirada arimaha dibadda Sweden uu kala hadlay arintaas, kuna adkeeyay in Sweden ay aqoonsato waraaqaha ay bixiso dowlada Soomaaliya.

Awad: Waan kala hadlay Wallström, waana ii ballan qaaday in ay aad u fiirin doonan arrinkaas, ayuu sheegay. 

Dowlada Norway ayaa horey u aqoonsatay baasaboorka soomaaliga ah, halka Denmarkna ay sheegtay inay qiimeyn doonto aqoonsiga baasaboorka soomaaliga ah , nooca ay qaataan diblomaasiyiinta.

Xigasho/kilde: Radiosveriges.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments