Asia: Labo quwadood oo daris ah oo isku goodinaya.

0
173

Xukuumadda Hindiya ayaa sheegtay in y weerar dhanka cirka ah ku qaaday kooxo mintidiin ah oo ku sugan dhulka Pakistan ayadoo muran xooggani uu u dhexeeyo labadaas dal.

Wasiir katirsan Xukuumadda Hindiya ayaa sheegay in duqaymaha ay ku bartilmaameedsadeen saldhig tababar oo ay leedahay kooxda Jaish-e-Mohammad oo kuyaal Balakot.

Xukuumadda Pakistan ayaa sheegtay in duqaymahaas lala beegsaday deegaan cidlo ah hase ahaatee waxay ballan ku qaadday in ay jawaab ka bixinayso. Waxeyna sheegeen inay ka bixin doonaan jawaabta ku haboon.

Xiriirka u dhexeeya labadan dal ee dariska ah ee hubka nuclear-ka haysta ayaa xumaaday tan iyo markii horraantii bishaan weerar ismiidaamin ah lagu dilay 40 askari oo katrisan ciidamada Hindiya.

Hindiya ayaa Pakistan ku eedaysay in ay kooxo mintidiin ah u oggolaatay dalkeeda si ay hawlgallo uga fuliyaan gudaha Hindiya. Kooxda Jaish-e-Mohammad ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ee Pakistan ay kaalin ku lahaayeen weerarkii dhacay 14-kii bishaan February.

Duqaymihii dhanka cirka ee maanta ayaa ah kuwii ugu horreeyey ee lagu qaado dhulka Pakistan ay maamusho tan iyo sanadkii 1971-kii – weerarka ayaa ka dhacay xuduudda kala qaybisa gobolka Kashmir ee Hindiya ay maamusho iyo Kashmirta kale ee Pakistan ay maamusho.

Pakistan ayaa cambaaraysay weerarka waxayna sheegtay in ay aar gudanayso «Xilliga iyo meesha ay doorato»

Pakistan ayaa beenisay in ay wax lug ah ku leedahay oo aanay nabad ka keeni karin mintidiinta dalkeeda ku sugan.

Xigasho/kilde: bbc-somali

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments