Ap oo rabo in la ciqaabo waalidiinta caruurtooda dhaqan-celiya!

0
82
Masud: Afhayeenka xisbiga Ap ee arimaha soo galootiha

Dowlada Norway ayaa dhawaan soo saartay war ay ku sheegeyso inay saartay gudi ay ku sheegtay khuburo, kuwaas oo soo baari doono sababaha keena in waalidiinta qaarkood ay doortaan in caruurtooda ay u dhoofiyaan wadanka dibadiisa, si ay u dhaqan celiyaan.

Gudigan ayaa marka ay baaraan kiisas toboneeyo ah, dowlada talo ka siin doono qaabka arintaas looga hortagi karo. Waxaana gudigan oo ubadan dad cadaan ah kamid ah hal qof oo soomaali ah.

Ap: Waalidiinta hala ciqaabo

Masud Gharahkhani oo ah afhayeenka Ap ee arimaha soo galootiga ayaa sheegay in xisbigiisu uu rabo in la ciqaabo waalidiinta ilmahooda u dira dugsi quraanada wadanka dibadiisa ah.

Masud oo asal ahaan Iiraani ah ayaa sheegay inay tahay in waalidiintu ay xooga saaraan iskuulka Norway, halka ay xooga saarayaan dugsi quraan ama iskuulada kale ee wadanka uu waalidku ka yimid. Sidaas darteed ay tahay in la ciqaabo waalidka ilmahooda ka bixiya iskuulka Norway.

Xildhibaankan katirsan xisbiga shaqaalaha ee Ap ayaa raaciyay in hadii wadahadalka waalidku uu miro dhali waayo, ay tahay in la furo siyaabo kala ee waalidka arintaas sameeyo lagu ciqaabo karo.

Xigasho/kilde: Drammentidende.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments