Xildhibaanad Leyla: Waa guul in murankii siyaasada Sweden uu heshiis kusoo dhamaado

0
125
Foto: Facebook Page- Leila A Elmi

Reysulwasaariha afartii sano ee ugu danbeysay ka talinayay dalka Sweden, Stefan Löfven  ayaa mar kale kalsooni aqlabiyad ah ka helay baarlamaanka dalka Sweden, isaga oo mar kale loo doortay inuu hogaamiyo dowlada dalkaas.

Stefan ayaa dhawaan looga fadhiyaa inuu soo dhiso xukuumad cusub oo wadaag ah, taas oo sanadaha soo socdo ka talin doonto dalka Sweden.

Xildhibaanad leila Ali Elmi oo ah xildhibaanada kali ah ee soomaali ah ee katirsan baarlamaanka Sweden ayaa soo dhaweysay heshiiskaas laga gaaray khilaafka siyaasada dalka Sweden. Iyada oo ku tilmaantay guul in ugu danbeyn heshiis laga gaaray arintan hada in mudo ah soo socotay.

Leila oo la hadashay laanta afka soomaaliga ee idaacada Radiosverige ayaa sheegtay inay u hanbalyeyneyso reysulwasaare Lofyan.

Halkan ka dhageyso wareysiga buuxo ee xildhibaan Leila

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments