Xildhibaan kale oo katirsan Frp katirsan oo fadeexad darteed isku casilay

0
130
Foto: Stille-bilde/Youtube

Helge André Njåstad oo ahaa madaxa gudiga dhaqaalaha xisbiga Frp ee baarlamaanka Norway, ayaa iska casilay dhamaan xilalkii uu ka hayay xisbigaas, kadib markii ay kusoo baxday fadeexad ah inuu macluumaad sir ah la qeybsaday xubno xisbiga katirsan.

Helge oo kamid ahaa siyaasiyiinta ugu hadalka qalafsan xisbiga ayaan sheegin nuxurka macluumaadka sirta ah uu la qeybsaday xubinta kale ee xisbigiisa katirsan, balse wuxuu sheegay inuu doortay inuu iscasilay, maadaama uu jabiyay kalsoonidii anshaxa shaqada.

Siv Jensen oo soo dhaweysay:

Gudoomiyaha xisbiga Frp, Siv Jensen ayaa sheegtay in Helge uu jabiyay anshaxa shaqada ee xisbiga, waxeyna sheegtay inuu gaaray go´aan sax ah maadaama uu is casilay. Iyada oo raacisay inay soo dhaweyneyso go´aankiisa.

Ma ahan xidlhibaankii ugu horeeyay ee xisbigaas katirsan, wasiiro iyo xildhibaano xisbigaas katirsan ayaa isku casilay kadib markii ay soo baxeen fadeexooyin ay ku kaceen. Waxaana xisbigaas hareeyay fadeexooyin soo wajaha xubnihiisa oo lagu qabto kala hadal iyo khiyaanooyin.

Waxaana ugu danbeeyay Mezyar Keshvari oo lagu qabtay inuu lacago uusan xaq u laheyn uu ka qaadanayay baarlamaanka, isaga oo sheegi jiray inuu u baxay safaro been abuur ah.

Bartamaha sanadkii 2018 waxaa xilka iska casilay wasiirkii kaluumeysiga Norway, Per Sandberg, kadib markii ay soo baxday inuu safar uusan shaacin uu ku aaday dalka Iiraan, isaga oo ay wehelisay gacalisadiisa oo u dhalatay dalka Iiraan.

Sidoo kale wasiiradii soo galootiga Norway, Sylvi Listhaug ayaa iyadna lagu qasbay inay xilka iska casisho, kadib qoraal ay ku qortay barteeda Facebooga.

Xigasho/kilde: ABC-nyheter

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments