fredag, april 26, 2024

UK: Nin soomaalo ah oo mid kale mindi ku dilay magaalada Bristol

Waxaa habeen magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska nin Soomaali ah ku dilay wiil kale oo Soomaali ah xili uu marxuumka la dilay hurdayya.

Sida ay sheegeen qaar kamid ah qaraabada ninka dilka geystay uu qaadan jiray daawooyinka dhimirka. Dadka deegaanka dilku ka dhacay ayaa sheegay in ninka dilka geystay oo aan magaciisa la shaacin uu ahaa maamulaha guriga falku ka dhacay isla markaana uu dilka u adeegsaday Mindi.

Ninka dilka loo geystay oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo darawal ka ahaa gaari taksi ah uu muddo kooban degenaa dalka Ingiriiska isagoo markii hore ka yimid dalka Holand.

Booliska ayaa gacanta ku dhigay ninka dilka geystay ka dib markii ay wargelisay haweeney ka tirsan dadka degaanka oo aragtay isagoo wata mindida uu wax ku dilay.

Lama oga illaa sababta uu ninkan u dilay wiilka dhalinyarada ah, iyadoo Booliskuna ay sheegeen iney baaritaan ku hayaan dhacdadan, waxaana dilkan ka argagaaxay.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x