Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday wakaalada tirokoobka ee SSB, waxaa kaalmada dhaqaale ee ceyrta sanadkii 2017 ku baxday lacag dhan 6,6 bilyan oo lacagta dalkan Norway ah.

Isla warbixinta SSB ayaa lagu sheegay in 56% dadka qaata lacagtaas ay yihiin soo galooti. Waxaana tirada dadka soo galootiga ah ee qaata lacagtaas ku yimid kor u kac, sida ay SSB ku sheegtay warbixinteeda.

Soo galootiga kasoo jeedo dalalka katirsan qaaradaha Aasiya iyo Afrika ayaa ah kuwa ugu badan ee qaata lacagta ceyrta, waxaana soo sadexeeya soo galootiga kasoo jeedo Yurubta bari.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

  Subscribe  
Notify of