Reysulwasaaraha Soomaaliya oo la kulmay safiirada dalalka Norway iyo Sweden

0
205

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,mudane, Xasan Cali Khayre, ayaa Maanta Xafiiskiisa kula hadlay danjirayaasha Waddamada Sweden iyo Norway u jooga Soomaaliya, Von Uexkull Andreas iyo Rognlie Elin Bergith.

Sida ay qoreen warbaahinta maxaliga ah ee Soomaaliya, reysulwasaaraha Soomaaliya iyo safiirada labadaas dal ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo dalalka Sweden iyo Norway.

Danjirayaasha Sweden iyo Norway u fadhiya Soomaaliya ayaa u sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre, in Dowladahoodu ay ka go’antahay in Soomaaliya ay kala shaqeeyaan qorshaha dib u soo nooleynta kaabayaasha dowlada.

Safiirada dalalka Norway iyo Sweden ayaa labadooduba ku cusub shaqada, waxeyna xafiisyada dhawaan kala wareegeen safiiradii ka horeeyay. Norway iyo Sweden ayaa kamid ah dalalka sida gaarka ah u taageera dowlada Soomaaliya, kuna bixiya qarashaadka dheeriga ah sanad walba.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments