Q.M oo Norway ka codsatay mamnuucista ururada cunsuriyiinta ah. Xisbiyada Norway maxey ka dhaheen?

0
114

Qaramada midoobay ayaa dowlada Norway ka codsatay in la mamnuuco ururada cunsuriyiinta ah, laakiin xisbiyada SV iyo Høyre ayaa arintaas kasoo horjeestay.

Gudiga qaramada midoobay u qaabilsan cunsurinimada qowmiyadaha(CERD) ayaa Norway soo booqday, si ay u qiimeeyaan dadaalka dowlada Norway ee ku aadan wax ka qabashada cunsurinamada lagula kaco qowmiyadaha iyo bulshooyinka laga tiro badanyahay.

Warbixin ay gudigaas ka qoreen Norway ayay ku muujiyeen wal wal ku aadan in muuqashada ururada xagjirka ah iyo cunsuriyiinta ay kusoo badanayaan baraha bulshada iyo wadooyinka Norway. Waxeyna dowlada Norway ugu baaqeen in arintaas ay wax ka qabato, kahor inta aysan faraha ka bixin, noqona dhibaato bulsho oo weyn.

Petter Eide oo katirsan xisbiga SV iyo Peter Christian Frølich oo katirsan xisbiga Høyre ayaa dhankooda muujiyay sida ay uga soo horjeedaan in lala mamnuuco ururadaas. Balse waxey sheegeen in muhiim ay tahay in falalka la xiriira faquuqa iyo cunsurinimadu ay muteystaan ciqaab adag.

Xigasho/kilde: Klassekampen.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments