Maxkamada sare ee Norway oo diiday inay aqbasho racfaanka Mahad Abiib

0
102
Foto: Wardoon.net

Sida ay qortay wakaalada wararka Norway ee NTB, maxkamada sare ee dalkan Norway ayaa diiday inay gudoonto kiiska cabashada Mahad uu ka gudbiyay go´aanka maxkamadaha koowaad iyo racfaanka ee Oslo.

Waxeyna diidmada maxkamada sare ee Norway ay noqoneysaa midii sadexaad ee uu Mahad kala kulmo nidaamka maxkamadaha Norway. Bilowgii sanadkii 2017 ayay maxkamada koowaad ee Oslo ay kiiska Mahad Abiib u xukuntay hey´adda UDI oo Mahad ku eedeysay inuu kasoo jeedo dalka Jabuuti, uusana ka imaan dalka Soomaaliya. Maxkamada Racfaanka Oslo ayaa iyadna dhankeeda bishii November ee sanadkii tagay racfaanka Mahad ee kiiska maxkamada koowaad ee Oslo. Iyada oo hada ay maxkamadana sarena diiday qabashada kiiska racfaanka Mahad Abiib.

Mahad Abiib ayaa horey u sheegay inuu diyaar u yahay in lagu celiyo dalka ay dowlada Norway ku eedeyneyso ee Jabuuti. Balse dowlada Jabuuti ayaa dhankeeda diiday inay aqbasho Mahad, iyada oo sheegtay inuusan aheyn muwaadin u dhashay dalkeeda.

Xigasho/kilde: Wakaalada wararka Norway ee NTB

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments