Ilhaan Cumar: Waxaan aniga oo xildhibaan aabahay kala dagay isla garoonkii aan 23 sano kahor kasoo dagnay anaga oo qoxooti ah.

0
88
Ilhaan cumar

Ilhan Cumar oo dhawaan loo doortay xildhibaanada aqalka Kongareeska dalka Mareykanka ayaa barta Instagram-ka ay ku leedahay soo gelisay sawir iyada oo la socota aabaheeda gudaha magaalada Washington DC.

Waxay soo qortay hadalo uu yiri aabaheed oo ah “23 sanno kaddib, aniga iyo qoyskeyga waxaan soo gaarnay garoonka diyaaradaha ee Washington annago qaxooti ku ah dalkan,oo markaasi ka nimid xero qaxooti oo ku taalla dalka Keny. 23 sanno kaddib waliggey kuma riyoonin in aan dib ugu laabto isla garoonkii diyaaradaha anigoo la socda gabadheyda Ilhan , maalin ka hor inta aan loo dhaarin xilka haweeyneydii ugu horreysay ee Soomaali ah oo loo doorta xildhibaanada aqalka Kongareeska”.

Waxaa dhawaan la filaya maanta in Ilhan Cumar loo dhaariyo xilka xildhibaanadda aqalka koongareeska, iyada oo noqon doonto qofkii ugu horeeyay ee soomaali ah ee kamid noqdo baarlamaanka dalka Mareykanka. Sidoo kalena waxey Ilhaan Noqon doontaa gabadhii ugu horeysay ee muslim ah ee iyada oo xijaabkeeda xiran kamid noqon baarlamaanka dalkaas.

Xigasho/kilde: BBC-Somali

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments