Frp: Lacagta caruurta, halugu xiro shardi shaqo ah.

0
545
Foto: Frp

Warbixin ay dhawaan soo saartay wakaalada SSB ayaa lagu sheegay in waalidiinta ugu badan ee qaata lacagta caruurta guryo-joogta ah ee loo yaqaan Kontantsøtte, ay yihiin waalidka ajnabiga ah. Waxaana soo raaca waalidiinta aan laheyn aqoon sare oo jaamacadeed.

Isla warbixintan ayaa lagu sheegay in tirada waalidiinta ah ee qaata lacagtaas, ay ku timid kor u kac. Si gaar ahna, waxaa kor u kacay tirada waalidka ajaaniibta ah ee lacagtaas qaata.

Heshiiska ay dhawaan galeen xisbiyada afarta ee hada wadaaga ku ah xukuumada ay hogaamiso Erna Solberg, ayaa waxaa lagu heshiiyay in lacagtaas la siiya waalidka guriga la joogo ilmaha aan la taaban ama waxbo laga badalin.

Frp: Shardi ah shaqo ah halagu xiro.

Kadib warbixinta SSB, afhayeenka xisbiga Frp ee arimaha soo galootiga,  Jon Engen-Helgheim  ayaa sheegay in xisbigiisu uu rabo in qaadashada lacagtaas lagu xiro shardi shaqo ah.

Afhayeenkan ayaa sheegay inaysan mudneyn in la abaal-mariyo guryo joogta, wuxuuna soo jeediyay in waalidka la siinayo lacagtan lagu xiro shardi ah, inay sanadkii laso dhaafay ay shaqeynayeen. Isaga oo raaciyay in xisbigiisu uu rabo oo kali ah oo isbadal lagu sameeyo qaadashada lacagtan, balse aan gabi ahaanba meesha laga saarin.

Jon Engen-Helgheim ayaa sidoo kale sheegay in lacagtan ay qeyb ka qaadaneyso in dumarka soo galootiga ah ay banaanka ka joogaan suuqa shaqada.

Krf oo kasoo horjeestay:

Gudoomiyihii hore ee xisbiga Krf, Knut Arild ayaa dhankiisa sheegay in xisbigiisu uu kasoo horjeedo isbadal lagu sameeyo xeerarka la xiriira lacagtaas la siiyo waalidka. Wuxuuna sheegay in shuruud lagu xiro qaadashada lacagtaas ay keeneyso inay kor u kacdo tirada qoysaska saboolka ah .

Gudoomiyaha KRF:Knut Arild Hareide

Knut ayaa sidoo kale sheegay inay muhiim tahay inuu la qabo Frp fikirka ah in laga shaqeeyo in kor loo qaado ka qeybqaadashada haweenka soo galootiga ah ee suuqa shaqada.

Xigasho/kilde: NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments