Denmark: Ugu yaraan 8 qof oo ku dhintay shilka labo tareen oo isku dhacay

0
117
Shil Tareen Denmark

Ilaa iyo hada tirada ay boolisku xaqiijiyeen, ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhintay shil tareeno oo isku dhacay oo shaley ka dhacay buundada Storebæltsbroen , ee u dhaxeysa jaziiradaha Fyn og Sjælland ee dalka Denmark. Sidoo kale waxaa dhaawacyo fudud ay soo gaareen ilaa 14 qof oo kale.

Shilkan ayaa dhexmaray tareen nooca dheereeye ah iyo tareen nooca xamuulka qaada ah, kaas oo xiliga uu shilka dhacayay waday xamuul u badan khamri.

Booliska ayaa shaley sheegay in shilkaas ay ku dhinteen 6 qof, halka saakana ay sheegeen inay dhinteen labo kamid ah dhaawicii shaley. Waxeyna tirada dhimashada sidaas ku noqoneysaa 8 qof. Dadka shilkan ku geeriyooday ayaa isugu jiro shan haween ah iyo sadex nin. Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ilaa hada aysan aqoonsan afar kamid ah dadka shilkaas ku geeriyooday.

Isku dar 131 qof oo rakaab iyo sadex shaqaale ah ayaa tareenadan saarnaa xiliga uu shilkan dhacayay. Dhamaan dadka shilkan ku waxyeeloobay ayaa ahaa dadka rakaabka ahaa ee saarnaa qeybta hore ee tareenka nooca dheereeya ah ee ku dhacay tareenka xamuulka qaada.

Xigasho/kilde: VG.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments