Denmark: Si aad u qaadato dhalashada Denmark, waa inaad qof walba gacanta ka salaantaa

0
86

Sharci dhawaan ka hirgalay dalka Denmark ayaa shardi ka dhigaya in qofka raba inuu qaato dhalashada dalka Denmark ay qasab ku tahay inuu gacanta ka salaamo duqa magaalada uu deganyahay, xiliga ay dhaceyso xaflada gudoonsiinta.

Ajaaniibta wixii hada ka danbeeyo qaatan doono dhalashada Denmark ayaa ku qasbanaan doono inay gacanta ka salaamaan duqa ama duq ku xigeenka magaalada uu deganyahay, Rag iyo dumar midkii uu noqdaba. Hadii uu diidana uu waayi doono qaadashada dhalashada dalkaas.

Dowlada dalka Denmark ayaa aaminsan in gacan ka salaamista ka dhaxeyso raga iyo dumarka uu kamid yahay hidaha iyo dhaqanka soo jireenka ah ee bulshada Denmark, qofkii diidana uusan mudneyn inuu helo dhalashada dalkaas.

Inger Støjberg oo ah wasiirada soo galootiga Denmark ayaa sidoo kale sheegtay in hadii qofku uu diido inuu gacanta ka salaamo qof jinsi ahaan ka duwan, uusan fahansaneyn micnaha noqoshada daanishnimada.

Thomas Andresen oo ah duqa magaalada Åbenrå ayaa sheegay in hadii qof loogu diido dhalashada Norway, salaan gacanta ah darteed ay tahay wax xuduud dhaaf ah.

Denmark ayaa horey u dhaqangalisay sharci mamnuuc ka dhigaya xirashada indho-shareerka. Iyada oo qofkii lagu qabsana uu muteysan ganaax lacageed oo gaaraya 1000 kr. Hadii qofku dhowr mar lagu qabto indho-shareerka, uu muteysan karo ganaax gaaraya ilaa 10.000.

Xigasho/kilde: VG.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments