Dad ka badan 11.000 oo sanadkii hore lumiyay taageerada dhaqaale ee Nav

0
87

Sida lagu sheegay tirokoob la sameeyay, dad ka badan 11.000 qof ayaa sanadkii lasoo dhaafay ee 2018 lumiyay taageerada dhaqaale ee hey´adda Nav.

8500 qof oo dadkan kamid ah ayaa kaalmada Nav ku waayay sababo la xiriira inay iyagu shaqada isaga tageen iyada oo aysan jirin sabab ay Nav rumeysantahay inay tahay mid macquul ah.

2300 qof oo dadkaas kamid ah ayaa sidoo kale taageerada dhaqaale ee Nav ku lumiyay sababa la xiriira inaysan ka qeybqaadan howl-maalmeed(tiltak)ay u dirtay hey´adda Nav ama aysan soo xaadirin kulamo loo balamiyay.

600 oo dadkaas kamid ah ayaa sidoo kale la sheegay inay taageerada dhaqaale ee Nav ay ku waayeen, kadib markii ay diideen inay qaataan shaqooyin loo soo bandhigay.

Xeerka cusub ee Nav ayaa dhigay in qofkii diida jaanis shaqo oo loo soo bandhigay(wadanka meesha ay rabto ha noqotee), ama aan ka qeybqaadan howlmaalmeedka ay Nav dadka u dirto, ama diida aan soo qeybgalin balamaha loo qabto, uu luminayo taageerada dhaqaale ee Nav.

Sigrun Vågeng oo ah madaxa Nav ayaa sheegtay in arintan ay tusineyso in shuruudaha ay Nav dadku ku xirto ay shaqeynayaan.

Xigasho/kilde: VG.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments