Aman(19): Norway ayaa diidmo laga siiyay, waxaa meydkiisa laga helay Paris.

0
205
Aman Foto: Privat

Sida uu qoray wargeyska lokalka ah ee Stord24, waxaa magaalada Paris laga helay meydka Aman Ullah Khan oo ahaa 19 sano jir u dhashay dalka Afgaanistaan, kana mid ahaa da´yar diidnimo laga siiyay codsiga magangalyada.

Aman ayaa kamid ahaa dhalinyaro boqolaal dhalinyaro reer Afgaanistaan ah, kuwaas ka baxsaday kaamamka Norway, iyaga oo ka cabsi qabay in loo tarxiilo Afgaanistaan. Wuxuuna sanadkii 2017 magangalyo u raadsaday dalka Faransiiska, halkaas oo hada meydkiisa laga helay magaalada Paris. Waxaana loo badinayaa inuu u dhintay xanuun, sida uu qoray wargeyska Stord24.

Gro Dregelid oo kamid ah dadka ka shaqeynayay kaamka uu ka baxsaday Aman ayaa dhaleeceyn dusha uga tuurtay dowlada Norway, waxeyna sheegtay in Aman uusan helin daryeelkii iyo xanaanadii uu u baahnaa, maadaama uu Norway ku yimid caruurnimo. Iyada oo raacisay in Aman lagu qasbay inuu ka cararo Norway, si lamid ah sidii uu uga soo cararay Afgaanistaan.

Meydka 19-jirkan ayaa la geeyay gobolkii uu kasoo jeeday ee dalka Afgaanistaan, halkaas oo lagu aasay.

Xigasho/kilde: NRK.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments