tirsdag, mars 19, 2024

21 sano jir soomaali ah oo loo dhaariyay xubinnimada Golaha Deegaanka magaalada Leuven ee dalka Belgium

Sahra Maxamed Khalif oo ah gabar Soomaaliyeed 21 jir ah ayaa ugu danbeyn loo dhaariyay xilka xubinada golaha deegaanka magaalada Leuven ee dalka Belgium, waxeyna si rasmi ah uga mid noqoneysa xubnaha Golaha deegaanka magaaladaas.

Waa markii ugu horeysay taariikhda dalka Beligium oo shaqsi ka soo jeeda dalka Soomaaliya loo doorto xil gole deegaan ama xil kale ee siyaasadeed.

Sahra waxey kasoo gashay golaha deegaanka xisbiga u janjeera garab bidix ee loo yaqaano Belgian Socialist Party (SPA) oo ka mid ah axsaabta ugu waaweyn dalka Belgiumka.

Waxaa ay dhigataa Jaamacadda magalaada Leuven gaar ahaan culuumta adduunka (International Studies) ayaa ah shaqsi mustaqbla wanaagsan ku leh siyaasadda dalka Belgium.

Dhaarinteeda waxaa siweyn u soo dhaweeyay Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Belgium-ka oo siweyn ula socday guusheeda, sidoo kale waxaa ku farxay guusha ay gaartay Sahra labadeeda waalid.

Xigasho/kilde: Hiiraan-Online.com

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x