Xog: Muxuu ku saabsanaa kulankii ay shaley wasiirada Norwiijiga ah la qaataan soomaalida

0
84
Foto: Scanpix

Wasiirka waxbarashada iyo isdhexgalka Norway, Jan Tore Sanner iyo wasiirada caruurta iyo Sinaanta, Linda Hofstad Helleland ayaa shaley kulan la qaatay tiro u dhaxeyso 12 ilaa 20 qof oo rag soomaali ah, kuwaas oo casuumaad ay iyagu u fidiyeen. Si ay ugala hadlaan qaabkii haweenka soomaalida ah ay u qeybqaadan lahaayeen suuqa shaqada, iyo mowduucyo kale oo la xiriira siniinta iyo caqabadaha guud ee dumarka iyo raga soomaalida ah.

Sida ay sheegeen shaqaalaha kulanka agaasimay, u jeedka ay u doorteen inay raga kali ah ku casuumaan kulankooda ayaa la sheegay inay rabeen inay ogaadaan fikirka raga soomaalida ee mowduucaas la xiriirta, iyaga oo sheegay inay ogyihiin in aabayaasha soo galootiga ah ay saameyn ku leeyihiin ka qeybqaadashada hooyada ee suuqa shaqada iyo guud ahaan bulshada. Kadibna ay dumarka dhankooda ula kulmi doonaan, ujeedkuna uu yahay inay helaan fikirka labada dhinacba ee arintaas.

Dadka kulanka joogay ayaa sida naloo sheegay ahaa kuwo dhamaantood si gaar ah oo shaqsi shaqsi ah loo casuumay, mana jirin jaaliyad ama ururo gaar ah oo ay matalayeen, marka laga reebo aqoontooda shaqsiyeed iyo khibradooda mowduuca laga hadlayay la xiriirta.

Waxaa muuqato in baraha bulshada ee soomaalidu ay ku wada xiriirto Norway in lagu fidiyay war aan sax aheyn oo kulankaas la xiriira, kaas oo lagu sheegay in wasiiradu ay qaabileen wax lagu sheegay jaaliyad soomaaliyeed iyo madaxdeeda.

Jan Tore Sanner ayaa horey ula kulmay qeybo kamid ah qowmiyadaha kale ee soo galootiga Norway kunool ah, sida laga dheehan karo bartiisa Facebooga. Arintana ma ahan mid ku gaar ah soomaalida oo kali ah.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments