Sylvi Listhaug: Waxaan magangalyo siinaa dad aan u baahneyn

0
134
Photo: Ze'ev Yanai

Wargeyska Aftenposten ayaa maanta soo daabacay maqaal uu uga hadlayo qoxootiga kasoo jeedo dalal ay Soomaaliya kamid tahay oo u safra dalkoodii hooyo, kadib marka ay magangalyo Norway ka helaan.

Maqaalka Aftenposten ayaa soo xigtay xog uruurin ay sameysay wakaalada SSB, taas oo lagu sheegay in 24% qoxootiga soomaalida ah ay u safraan dalkooda hooyo, halka 12% qoxootiga kasoo jeedo Ereteriya ay dib ugu safraan dalkooda hooyo.

Sylvi Listhaug: Waa nala khiyaanaa

Wasiiradii hore ee soo galootiga Norway, ahna hada gudoomiye ku xigeenka Frp, Syvli Listhaug ayaa iyada tixraaceyso warbixinta Aftenposten ee safarka qoxootiga soomaalida ah ee dalkooda hooyo sheegtay in Norway ay magangalyo siiso dad aan u baahneen.

Foto: Skjerdump-Sylvi Listhaug-Facebook

Listhaug oo barteeda Facebooga soo dhigtay qoraal ayaa sheegtay in hadii uu qofku u safro dalkiisa hooyo ee uu kasoo qaxay, uusanba Norway uga baahneen wax magangalyo iyo difaac ah. Iyada oo sii raacisay in arintan ay tusaale u tahay sida loo khiyaano hanaanka magangalyo siinta Norway.

Gudoomiye ku xigeenka Frp ayaa u muuqata mid si bareer ah u garab mareyso nuxurka maqaalka Aftenposten ee ah inay jiraan dad markii hore qoxootinimo kusoo galay Norway, balse markii danbe dalkoodii dib ugu noqdo ama u safra si joogto ah. Sidoo kale Listhaug ayaa abuureyso shaki aan jirin, maadaama cadeyn in dadka safra ay yihiin kuwo heytsa dhalashada Norway ama dad wali heysta sharciyada magangalyada qoxootiga ee kumeel gaarka ah.

Sylvi Listhaug oo xiligan kamid ah siyaasiyiinta ugu hadalka adag, uguna caansan Norway ayaa inta badan fikiro adag ka dhiibatada arimaha la xiriira qoxootiga, muslimiinta, siyaasada iyo siyaasiyiinta xisbiyada bidixda iyo waliba soo galootiga guud ahaan.

Wasiiradii hore ee soo galootiga Norway ayaa horey u eedsatay qoraal ay soo dhigtay barta Facebooga, kaas oo muran badan kadib sababay inay iska casisho xilka wasiirnimo.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments