SSB: 24% Qoxootiga soomaalida ah waxey dib ugu safraan Soomaaliya

0
120

Sida lagu sheegay xog uruurin ay sameysay wakaalada xog uruurinta iyo tirokoobka Norway ee SSB, 24% qoxootiga soomaalida ah ee Norway kunool ayaa dib ugu safra dalkooda hooyo. Tiradaas oo u dhiginta in mid kamid ah afartii qof(1/4) ee soomaali ah ee Norway qoxooti kusoo galeyba uu dib ugu safro Soomaaliya.

Halka 12% qoxootiga kasoo jeeda dalka Ereteriya ay dalkooda dib ugu safraan. Sidoo kale qoxootiga kasoo jeeda dalka Ciraaq ayaa iyagana xog uruurintan lagu sheegay inay dib ugu safraan dalkooda hooyo.

Ku dhawaad 70% dadka xog uruurintan lagu wareystay ayaa sheegay inay dalkooda hooyo ku sugnaadaan afar isbuuc iyo ka badan mar walba oo u safraan.

Wargeyska Aftenposten(hoos ka akhri warbixinta Aftenposten) ayaa cadadkiisa maanta oo isniin ah kusoo daabacay warbixin uu uga hadlayo xog uruurinta SSB. Maqaalka Aftenposten ayaan si fiican u qeexeynin nooca qoxootiga soomaalida ah ee dib ugu safra Soomaaliya, inay yihiin dad qaatay dhalashada Norway ama inay yihiin dad wali heysta magangalyada qoxootiga.

Wasaarada arimaha dibadda Norway ayaa dadka heysta dhalashada Norway uga digto inay u safraan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Halka qeybaha kale ee soomaalida ay dadka ugu digaan inaysan u safrin, ilaa qofka ku qasbeyso howl lama maarmaan ah, ma ahaane.

Hey´adda agaasinka soo galootiga qoxootiga Norway ee UDI-da ayaa horey uga digtay dadka heysta magangalyada kumeel gaarka ah, inay u safraan dalalka ay sheegteen inay kasoo carareen sababo amni, diineed ama shaqsiyeed owgood. Hadii la ogaado inay safar ku tagaan dalkii ay kasoo qaxeena, ay lumin karaan sharcigooda magangalyada.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments