Sacuudi Carabiya oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah xildhibaan Ilhaan Cumar!

0
135
Foto: Ilhaam Cumar/Facebook

Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa qorsheynaya iney guluf adag ku qaadaan gabdhaha muslimiinta ah ee ku biiray aqalka Koongareeska Mareykanka, kuwaasoo ay ka mid tahay Ilhaan Cumar oo soomaali ah.

Tan iyo markii ay dhacday doorashadii xilliga dhexe ee Mareykanka, warbaahinta garabka Midig ee dalkaasi ayaa bartilmaameed ka dhigtay Ilhaan Cumar, oo ah siyaasiyadda xisbiga Dimuqraaddiga. Iyada ku eedeynayo waxyaabo ay kamnid tahay xirashada xijaabka.

Ilhaan oo garab ka heleysa xisbigeeda ayaa dadaal ugu jira in meesha laga saaro sharci 180 sano jirsaday oo aqalka Koongareeska ka mamnuucaya inay soo galaan dadka uu madaxa u daboolan yahay.

Dowladaha khaliifka Carabta iyo dagaalka Ilhaam: 

Hay’adaha Warbaahinta ee la dhacsan hannaanka maamulka dowladaha Khaliijka ayaa marar badan ku cel celiyay eedeymo ay u jeedinayeen Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib, iyagoo sheegayay iney labadaas gabdhood ee hadda ka tirsan Koongareska si toos ah u taageeraan ururka Ikhwaanul muslimiin ee laga mamnuucay dalka Masar. Ururkaas oo ay sheegeen inyy  cadow ku yahay nidaamka qoysaska xukuma, iskana dhaxla talada dowladaha dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Maalintii Axada ahayd ayuu Telefishinka laga leedahay dalka Sacuudiga ee Al-Carabiya ayaa wuxuu baahiyey muuqaal uu ku sheegay in Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib ay qeyb ka ahaayeen isbahaysi u dhexeeya xisbiga Dimuqraaddiga iyo kooxaha islaamiga ah, ayna doonayeen iney la wareegaan maamulka aqalka Koongareeska.

Maqaalkaas ayaa labada siyaasi ku eedeeyay iney yihiin «dad ka soo hor jeeda madaxweyne Trump iyo siyaasadihiisa, gaar ahaan qorsheyaashiisa arrimaha dibadda ee ku aaddan cunaqabateynta Iiraan, xayiraadda ururka islaamiga ah ee Ikhwaanul Muslimiin iyo dhammaan ururrada siyaasadeed ee islaamiga ah».

Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib ayaa iyaguna taariikhda ku galay iney noqdaan gabdhihii muslimiinta ahaa ee markii ugu horreysay abid ku biiray aqalkaas, waxaana laga soo doortay isla xisbiga Dimuqraaddiga.

Ilhaan Cumar ayaa idaacada BBC-da u sheegtay in shaqada ugu horreysa ee ay qabaneyso ay tahay sidii ay u badbaadin lahayd khamaarkeeda, taasna ay garab ku siiyeen siyaasiyiinta kale ee xisbigeeda saameynta ku leh.

Ivanka Trump oo ah gabadha uu dhalay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka mid ah dad fara badan oo Ilhaan ku taageeray iney tallaabadaas u qaaddo sidii ay u xaqiijin lahayd in iyadoo xijaaban ay dhex fariisato aqalka Koongareeska.

Hirgalinta sharcigan ayaa la filayaa in la guda galo isbuucyada soo socda, marka xildhibaannada loo dhaariyo xilalkooda, sida ay BBC-da u sheegtay Ilhaan.

Xisbiga Dimuqraaddiga, oo ay Ilhaan xubin ka tahay ayaa aqlabiyad ku leh aqalka wakiillada ee Koongareeska, waxaana lagu wadaa in ay si sahlan ku baddalaan sharcigaasi, Ilhaan ayaana aaminsan iney arrintan wax weyn uga dhigantahay gabdhaha kale ee muslimiinta ah.

Waxaan rajeynayaa in gabdhaha muslimiinta ee aniga kaddib la soo dooran doono ay heli doonaan fursad ay xijaabkooda kula tagaan shaqadooda, dagaal kalena aysan u galin iney arrintaas hir galiyaan. Tusaale ayaan u noqon doonaa gabdhaha yar yar ee iskuullada dhigta.

Waxay ila tahay in gabdhahaas markii iyagoo xijaabka ku xiran iskuulka lagu foorjeeyo ay dhihi doonaan ‘xijaabkeyga waxba haka sheegin sababtoo ah gabar xijaaban ayaa fadhisa Koongareeska, marka waxaan u maleynayaa inaan waddo fiican u furi doono ayna heli doonaan dhiirri galin»

Xigasho/kilde: BBC-LAANTEEDA AFKA SOOMAALIGA.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments