fredag, mars 29, 2024

(Maqaal): Maxamed Cabquldaair- Muxuu ku saabsanaa kulankii aan la qaadanay labada wasiir

12-kii bishan 12aad ee sanadkan 2018 ayaan aniga iyo koox kale oo soomaali ah kulan la qaadanay wasiirka isdhexgalka bulshada iyo tacliinta, iyo wasiirada caruurta qoyska iyo sinaanta. Nuxurka kulanku wuxuu diirada saarayay caqabadaha somalida haysta rag iyo dumarba, gaar ahaan dumarka iyo sida loo heli karo sinaan iyo inaan laga helo somalida natiijo isdhexgal oo wanaagsan.

Kulanka oo socday mudo hal saac waxaa lagu qaadaa dhigay mawduucyo badan oo kala duwan, haba ugu badnaadeen caqabadaha waxbarashada quseeya, kuwa introduction programka, awoodaha diimuhu ay ku leeyihiin bulshada marka ay timaado dhaqanka shaqada, Tusaale ahaan s gacan ka salaamista raga iyo dumarka I.W.M.

Aniga shaqsi ahaan Maxamed Cabdulqaadir(qoraha maqaalkan) Kulanka waxaan ku gudoonsiinay labada wasiir warbixin ay soo saartay hay´adda u dooda soogalootiga ee NOAS, taas oo aan sal uga dhignay hoos u dhaca introduction programka ee soomaalidu inuu salka ku hayo caqabadaha ay laanta socdaalka iyo wasaarada cadaaladu hordhigayaan somalida gaar ahaan tirada 1600 ee daganaanshahooda hakadka la galiyey.

Xagee arintu ka qaldantay maxaase keenay in kulanka si qaldan loo tarjumo?

Kulanka marka uu soo gabagaboobay ayaa waxaa noo yimid team ka socda warbaahinta TV2 iyo laba saxaafadood oo kale. Waxayna nala yeesheen su aalo iyo wareysi gaar gaar ah. Dadka intooda badan wey iska riixeen inay hadal siiyaan warbaahinta, laakiin waxaa la hadlay dad aan anigu kamid ahay, iyo walaal kale oo Mubaarak Beegsi magaciisu ahaa, kulankana qeyb nagala ahaa.

Waxaa wax laga xumaado ah in TV2 ay ka tageen nuxurka shirka oo dhan, iyaga oo soo qaatay erey yar oo kamid wareysiga Mubaarak, iyaga guud ahaan ka tagay wareysiyadii kale ee la siiyay. Ayna warbixintooda u sameeyeen cinwaan aan xiriir la laheyn nuxurka maqaalka ay qoreen.

Sidoo kale wasiirada sinaanta oo aheyd mid kamid labada wasiir ee nala kulmay ayaa hadal aan si toos ah uga turjumeyn nuxurka shirka ay nala yeesheen ka sheegtay TV2. Labadaas arimood marka la isku daro waxey sababeen in dad badan oo akhristay warbixinta TV2, xog badan aan ka heyn shirka ay muujiyeen dareen xoogan oo ku saabsan qaabka loo dhigay maqaalkaas, waxeyna iska weydiiyeen su´aalo ku saabsan maxaa shirka looga hadlay. Waana sababta aan maqaalkan igu dhalisay inaan qoro, si aan u cadeeyo in TV2 ay si toos ah u hareer mareen nuxurka shirka, qaateen hadal yar oo isagiina ay sii qaloociyeen.

Soomaalida Norway rag iyo dumarba waxay saaran yihiin hal doon ah, waxaana nahay qawmiyad farta lagu fiiqo, laguna dhaliilo marka ay timaado shaqada iyo isdhexgalka bulshada. Waxaa nalooga fadhiyaa wadajir iyo inay fahmaan inay isku dan yihiin.

Warbaahinta timid meesha gaar ahaan TV2 uma soo dhigin arintaas sidii saxda ahayd ee aan ugu sheegnay ama wax u dhaceen ha ahaato qorshaha aan meesha u tagnay ama wada hadalkii sida uu u dhacay hal mawduuc oo dhanka kale loo rogay ayuu ka soo qaatay.

W/Q Mohamed Abdulkadir: Gudoomiyaha ururka xuquuqul insaanka Norway.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x