Madaxweynaha Soomaaliya oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee Norway u qaabilsan Soomaaliya

0
159
Foto: Villa Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maalintii shaley aheyd warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay safiirka cusub ee Norway u qaabilsanaan doono wadamada Soomaaliya iyo Kenya, Elin Bergithe Rognlie.

Kulanka gudoonka warqadaha aqoonsiga safiirnimo oo ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale joogay ergeyga gaarka ah ee wasaarada arimaha dibada Norway u qaabilsan Soomaaliya, Vebjørn Heines.

Elin Bergithe Rognlie oo aheyd qunsulka Norway ee magaalada New York ee badali doonto safiirkii hore ee Norway u fadhiyay Soomaaliya iyo Kenya, Ambassador Viktor Rønneberg.

Danjire Elin oo 58-jir ah ayaa kasoo shaqeeysay wasaaradda arrimaha dibadda tan iyo sanadkii 1989-kii iyadoo soo noqotay Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda Norway, islamarkaana soo qabatay xilal kala duwan oo ugu danbeeyay Qunsulka guud ee Safaaradda Norway ee Newyork , iyadoo la taliye sare u aheyd wasaaradda arrimaha dibadda Norway.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments