Carl I. Hagen oo dalbaday in maxkamada lasoo taago Keshvari

0
88
Foto: Stillebilde/Youtube

Gudoomiyihii hore ee xisbiga Frp, kana mid ah hogaamiyayaasha ruuxiga ah ee xisbigaas, Carl I. Hagen ayaa xeer ilaaliyaha guud ee Norway ka dalbaday in maxkamada qaran lasoo taago Mazyar Keshvari oo lagu heysto lacago uu si aan sharci aheyn uga qaadan jiray baarlamaanka Norway.

Keshvari ayaa lagu heystaa lacag ku dhow 300.000, taas oo uu sifooyin aan sharci aheyn iyo safaro aan jirin owgood uu uga qaadan jiray baarlamaanka. Waxeyna arintaas cadaatay kadib dabogal uu sameeyay wargeyska Aftenposten.

Booliska Oslo ayaa hada Keshvari kusoo oogay dacwad la xiriirta khiyaano iyo wax isdabo marin dhaqaale, iyada oo lala yeeshay wareysiyo ku saabsan falka lagu soo eedeeyay. Keshvari ayaa balanqaaday inuu wadashaqeyn la sameyn doono booliska, si kiiskiisa xal looga gaaro.

Balse Carl I. Hagen ayaa qaba in Keshvari uusan galin oo kali ah danbi wax isdaba marin dhaqaale, balse uu jabiyay qodob dastuuri ah, maadaama uu yahay xildhibaan qaran. Sidaas darteed ayuu warqad uu u qoray xeer ilaaliyaha guud ee Norway uu ku codsaday in Keshvari si toos ah loo soo daago maxkamad qaran.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments