Axmed Warsame Musharaxa duqa magaalada Tromsø oo baraha bulshada kala kulmay weeraro isir naceyb ah!

0
93
Foto: Skjermdupm/Itromsø

Xisbiga Kystpartiet oo kamid ah xisbiyada yar-yar ee dalkan Norway ayaa maalmo kahor iclaamiyay in musharaxooda duqa magaalada Tromsø ee doorashada sanadka danbe uu noqon doono, Axmed Warsame oo ah siyaasi asalkiisu uu soomaali yahay.

Axmed oo mudo xisbigaas katirsanaa ayaa hada kamid ah madaxda muuqata ee xisbigaas, isaga oo xiliyo badan kasoo muuqday warbaahinta Woqooyiga Norway ee xisbigiisa uu awooda badan ku leeyahay. Sidoo kale Axmed ayaa xiligan ah gudoomiyaha golaha xisbigaas ee gobolka Troms.

Kadib marka uu xisbiga Kystpartiet shaaciyay warka ku saabsan musharaxnimada Axmed Warsame, warbaahintuna ay bilowday inay wax ka qoraan, waxaa soo baxay dad weerarp afka ah oo isir naceyb ah ku qaadaya Axmed Warsame. Iyaga oo Axmed ku daraya asalkiisa soomaaliga iyo muslimka ah.

Ann-Birgith Bårdsen oo ah gudoomiyaha xisbiga Kystpartiet ayaa dhankeeda muujisay in Axmed uu mudo katirsanaa xisbigaas, uuna lamid yahay siyaasiyiinta kale ee xisbigaas ee wadaaga qorsha iyo astaamaha xisbiga. Waxeyna wax lagu xumaado ku tilmaantay in Axmed lagu beegsado diintiisa iyo asalkiisa soo galootiga

Axmed Warsame ayaa wargeyska Nordlys u sheegay in dadka qaarkiis ay xoriyada hadalka u adeegsadaan si qaldan oo ah inay weeraraan shaqsiyada qofka. Axmed ayaa raaciyay in dadkaas aysan mudneyn in la siiyo ahmiyad gooni ah, isaga oo sheegay in xitaa aan la tirin qoraaladooda gafka ah, si aysan u dareemin caburin.

Xigasho/kilde: Nordlys

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments