Xisbiga Rødt iyo SV oo baarlamaanka u gudbiyay soo jeedin waqti xadidan loogu sameynayo xiliga qofka laga ceshan karo dhalashada Norway

0
134

Xisbiyada Rødt iyo SV ayaa baarlamaanka Norway u gudbiyay soo jeedin hindise sharciyeed cusub oo waqti xadidan loogu sameynayo xiliga qofka lagala noqon karo dhalashada Norway.

Xisbiyadan ayaa codsaday in isbadal lagu sameeyo xeerka soo galootiga Norway, si qoloo sameeyo xili kama dambeys ah oo qofka heysta dhalashada Norway, aan dib loogu noqon karin kiiskiisa, si looga ceshado sharciga jinsiyada Norway.

Xisbiyadan ayaa soo jeedintooda ku qeexay inay muhiim tahay in qofka soo galootiga ah uu helo dareen ah inuu katirsanyahay shacabweynaha Norway, ayna muhiim tahay in la fiiriyo xiriirka adag iyo isdhexgalka uu qofkaas iyo dadka kale ee ku xeeran uu la sameeyay Norway.

Xisbiga SV ayaa horey u gudbiyay hindise sharciyeedkii awooda kala noqoshada sharciga dhalashada looga qaadayay hey´adda socdaalka Norway, kaas oo markii danbe ka meelmaray baarlamaanka.

Hadii aad u fiirsato qodobada soo jeedinta xisbiyadan, waxaa mar kale muuqaneyso in qodobo badan ay ka imaadeen dareenkii iyo fal celintii ka dhashay kiiska Mahad Abiib oo 17 sano kadib ay dowlada Norway dib uga ceshatay dhalashada Norway.

Xigasho/kilde: Stortinget.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments