UK: Darisku Waxey maqleen qeylada marxuumada uu ninkeedu dilay: Waxey raadiyeen abtigeed, halkii ay booliska wici lahaayeen

0
176
Foto: Privat

Marxuumad Aasiya Xirsi oo 27 sano jir aheyd ayuu sanadkii hore waxaa gurigooda ku dilay ninkeeda ay labo ilmo ah u dhashay, isaga oo falka dilka ah u adeegsaday toori uu la dhacay marxuumada geeriyootay.

Sida ay sheegeen booliska, qoysas soomaali ah oo daris la ahaa marxuumada uu seygeeda dilay, maqlayeyna qeyladeeda ayaa ku mashquulay iney abtigeed raadiyaan, intii ay wici lahaayeen xaalada deg-dega ah ee booliska(999). Booliska ayaa sidoo kale sheegay in marxuumadan ay markaas ku yaaleen dhaawacyada mindida ay markii danbe ay u geeriyootay.

Walaalka gabadha geeriyootay ayaa sheegay in dadka dariska ah gabadha ee soomaalida ah ay raadiyeen abtigeed, maadaama ay isaga yaqaaneen, intii ay si toos ah ugu wici lahaayeen booliska.

Booliska ayaa arintan ku sababeeyay kala duwanaanshaha dhaqanka iyo fahanka bulshooyinka, ay horistaagi karaan in si dhaqso ah uu qofku u wargeliyo booliska, si loogu gurmado dhibaha markaas caawinta u baahan.

Aadan Daahir oo ah aabaha dhalay labada caruurta ah oo ay Aasiya ka tagtay ayaa ah qofka ka danbeeyay dilkeeda, xili ay ku sugnaayeen xaafadda St Paul’s ee magaalada Bristol, sannadkii 2017-kii.

Walaalka marxuumada geeriyootay ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay inay sadex mar oo hore ay uga ka tagtay ninkeeda, balse mar walba lagu soo celinayay gurigeeda. Waxeyna dhowr mar oo hore uga cabatay gacanqaad uu u geysan jiray seygeeda ugu danbeyn ay sabbatay gacantiisa.

Walaalka gabadhan oo magaciisa Shuceyb yahay ayaa sheegay inaysan aheyn in dhibaatooyinka guryaha ee ka dhexjiro qoysaska, dumarkuna lagu cadaadiyo inay qarsadaan dhib gurigeeda am seygeeda ay kala kulanto.

Xigasho/kilde: BBC

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments