Sweden: Gabar soomaali ah oo lagu dilay magaalada Trollhättan

0
216
Booliska Sweden

Sida ay xaqiijiyeen booliska magaaladaTrollhättan, gabar 18-sano jir soomaali ah ayaa lagu dilay magaaladaas, waxaana dilkeeda ka danbeysay gabar kale oo da´deeda ay boolisku ku sheegeen 14-sano. Falkan ayaa dhacay dhamaadka isbuucii nasoo dhaafay, sida ay boolisku warbaahinta la qeybsadeen.

Dilka gabadha ayaa yimid kadib markii uu dagaal dhex maray gabadha soomaalida ah ee la dilay iyo tan wax dishay. Waxaana bilowgii soo gaaray dhaawac ay markii danbe isbitaalka ugu geeriyootay.

Labadan gabdhood ee is dilay ayaa wada degnaa xarun lagu xanaaneeyo da´yarta lagala soo wareegay waalidkood ama loogala baqo inay dhibaato u geystaan naftooda ama mida dad kale.

Booliska ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan gabadha dilka geysatay, ayna sawir wali wadaan baaritaanka dhacdadan dilka ah, iyaga oo sheegay inay wali wadaan baaritaanka sida ay wax u dhaceen, inkasta oo ay sawir guud ka heystaan falka xarunta ka dhacay.

Xigasho/kilde: Radiosverige

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments