Soomaalida Australia oo cambaareeyay weerar uu geystay muwaadin Soomaali-Australian ah

0
166

Soomaalida ku nool dalka Australia ayaa cambaareeyay weerar uu geystey muwaadin Somali-Australian ah kaasoo uu ku dhintey hal ruux, labo kalana ay ku dhaawacmeen.

Weerarkan oo uu geystay Xasan Khalif Shire Cali oo 30 sano jir ah ayaa Booliska Australia ay rasaas ku fureen kadib markii uu diiday inuu iska dhigo mindi uu ku hubeysnaa oo uu ku weeraray dad ku sugnaa Bourke Street Mall shalay waxana uu ku dhintey isbitaalka.

Sharma’arke Faarax oo ku hadlayay magaca Soomaalida ku nool Australia ayaa sheegay in dhammaan dadka asalkoodu yahay Afrika ay aad uga naxeen  weerarkan ayna ka xun yihiin.

Soomaalida ku nool magaalada Victoria ayaa iyaguna soo saaray qoraal ay ku sheegayaan inaysan argagaxiso meelna ku lahayn dhexdooda.

“Dadka Somali-Australians ah waa dad nabada jecel,argagaxisanimduna waa cudur waana inaan sameynaa wax walba oo aan ku cirib tiri karno.”ayaa lagu sheegay qoraalka ay soo saareen.

Kooxdan ayaa ugu baaqday dhammaan dadka Australia inay u midoobaan ka hortagida argagaxisada.

Weerarka uu geystey muwaadinkan asalkiisu Yahay Soomaali oo Booliska Australiyana ay sheegeen in la xayiray baasaboorkiisa sanadkii 2015 ayaa ururka IS uu sheegtay inuu ka dambeeyay.

Booliska Australia ayaa sheegay in weerarka shalay ka dhacay magaalada Melbourne uu ninka geystey uu doonayay in dad badan uu dilo isagoo ka soo buuxiyay qalabka gaaska cuntada lagu karsado gaarigiisii balse ay qarxi waayeen markii uu ku dhuftay baabuurka darbi.

Ninka weerarka geystey Xasan Khalif Shire Cali ayaa laga xayirey baasaboorkiisa sanadkii 2015 kadib markii la ogaaday inuu qorsheynayay inuu u safro dalka Siiriya.

Qoyska Xasan Shire Cali ayaa yimid dalka Australia sanadkii 1990kii waxana Boolisku sheegeen in hore uu u galay dambiyo ah isticmaalka maandooriyaha xashiishada iyo tuuganimo.

Xasan Khalif Shire ayaa walaalkii Cali Khalif  waxa uu sugayaa maxkmadeyn iyadoo la qaadi doono dacwadiisa sanadka soo socda waxaana lagu eedeeynayaa inuu qorsheynayay in uu weerar qarax ah geysto.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments