Shirkad ay aas-aaseen dhalinyaro soomaali ah oo booska 2-aad ka gashay tartanka shirkada ugu hal abuur wanaagsan sanadka 2018

0
171
Foto: Atlas Kompetanse Sawirka: Saad Hashi iyo Fardowsa Mohamed: Aas-aasayaasha Atlas Kompetanse

Shirkada Atlas Kompetanse oo ay isla aas-aaseen labo dhalinyaro soomaali ah(sawirka kore) ayaa sanadkan kamid noqotay sadexda shirkadooda ee isugu soo haray tartanka shirkada ugu hal abuur wanaagsan sanadka 2018 ee dhanka arimaha bulshada(Årets Sosiale Entreprenør 2018).  

Foto: Atlas Kompetanse

Atlas Kompetanse oo sanadkii 2015 ku guuleysatay bilada shirkada isbadal keenaha sanadka(Årets Game Changer 2015) ayaa sanadkan mar kale kamid noqotay sadex shirkadood oo laga soo doortay 20 shirkadood oo gudiga soo xulista abaalmarinta bilada ay kasoo xusheen. Isku dar waxaa qiimeynta tartanka qeyb ka ahaa 356 shirkadood oo ugu danbeyn ay isugu hareen 20 shirkadood, lagana sii doortay sadex ay Atlas Kompetanse kamid tahay.

Sida ku xusan webkooda, Shirkadan ayaa ka shaqeysa caawinta qoysaska iyo dhalinyarada soo galootiga ah ee wadanka ku cusub. Waxeyna fududeeyaan isku soo dhawaanshaha iyo is fahansiinta qoysaska iyo hey´addaha dowlada, sidoo kalena waxey caruurta soo galootiga ah ka caawiyaan baahiyahooda gaarka.  Waxaana isku dar ka shaqeeya 14 qof oo ku hadla ilaa sagaal luuqadood oo kala duwan.

Finalka tartanka (Årets Sosiale Entreprenør 2018) ayaa waxaa sanadkan isugu soo haray Atlas Kompetanse, Assistert selvhjelp iyo Ung Invest AIB. Waxaana ugu danbeyn ku guuleystay shirkada Assistert Selvhjelp.

Halka ka daawo muuqaalka shirkada Atlas ee ka qeybqaadashooda Tartankan: Facebook/Ferd Sosiale Entreprenører

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments