Norway: Ap iyo Sp oo raba inay kasoo horjeestaan qorshaha dowlada ee ogolaanshaha isku heysashada labada jinsiyadood.

0
83

Dowlada Norway ayaa labadii sano ee ugu danbeysay u gogol xaareysay hindise sharciyeed ku saabsan in isbadal lagu sameeyo sharciga jinsiyada Norway, dadkana loo ogolaado inay isku heystaan dhalashada ama jinsiyada Norway iyo mida wadan kale.

Hindise sharciyeedkan oo aan wali baarlamaanka la horgeyn ayaa ilaa u muuqdo mid heli doono codka aqbaliyada, hadii la korneeo xubanaha baarlamaanka.

Ap iyo Sp: Wuxuu ku khasaari doono bulshada inteeda nugul

Xisbiyada Ap iyo Sp ayaa sheegay in ogolaanshaha in ogolaanshaha isku heysashada labada jinsiyadood ay dhibaato u keeni karto bulshada inteeda nugul, halka uu saacidayo bulshada inteeda awooda leh. Waxeyna tusaale usoo qaateen caruurta looga soo tago wadamada dibadda, ayna adkaan keento inay Norway wax u qabato ama lagu soo celiyo, hadii ay heystaan dhalashada wadanka looga soo tagay.

Sidoo kale gabdhaha sida qasabka loogu guuriyo wadamada dibada ayay xisbiyadan sheegeen in hindise sharciyeedka cusub uu adkeyn doono in wax looo qabto.

XIGASHO: Halkan kasii akhri warkan(NRK)

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments