Norway: 190 qof oo 24 kamid ah ay soomaali yihiin oo codsaday in laga caawiyo in dalkoodii lagu celiyo

0
148
Foto: Politiet

Sida lagu sheegay tirokoob ay soo saartay hey´adda agaasinka soo galootiga ee UDI-da, 196 qof oo 24 kamid ah ay soomaali yihiin ayaa 10-kii bilood ee ugu horeeyay codsaday in Norway ay ka caawiso inay dalkoodii ku noqdaan.

Dadka doorto in laga caawiyo inay wadankoodii dib ugu noqdaan ayaa ah u badan dad diidmo ka heysto codsiga magangalyada, ama siyaabo kale darteed iyagu u doorto inay wadankoodii ugu noqdaan. Waxeyna Norway ku saacidaa wax xoogaa dhaqaale ah oo ay nolol uga sameystaan dalkoodii.

Sidoo kale Norway ayaa tobankii bilood ee ugu horeysay sanadkan si qasab ah uga tarxiishay 4292 qof.

Xigasho/kilde: Fjordbladet.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments